Qoraalo ku xiiso galiya

 






Akram oo nin muslim ahaa waxa uu dad kala shaqeynayey shirkad uu quluubtooda ku furtay, akhlaaq iyo habdhaqanka wanaagsan ee islaamku ina farayo


Bishii rajab 14-kedii ee 1438 hijriyada ayaan ka shaqo bilaabbay shirkad iibisa gawaadhida, oo ku taala dalka Ingiriiska, ayna leeyihiin maalqabeenno, Hindiya. Subaxay ballantu ahayd in aan shaqada bilaabbo ayaan xafiiska kula kulmay Margeret, oo ahayd ku xigeenka madaxa shaqaalaha. 


Margeret, waxay si qurux badan iigu soo dhawaysay shirkadda, markay igu soo wareejisay shirkadda iyo xafiisyadeedda kala duwan ayay igu tidhi " markaannu aragnay khibraddaada iyo hayaanka aad ugu jirtid in aad cilmiga hab dhaqanka binu Aadmiga (Social Anthropology) kororsatid waxa aannu go'aansanay in aan kaa faa'idaysano " waxa aan ugu hal celiyay "waad ku mahadsantihin soo dhaweyntiina, waxa ay ii tahay fursad qiimo badan in aan idin la shaqeeyo, wax badana waan idinka faa'iidaysan doonaa" Waxa ay i gaysay xafiiskaan ka shaqayn lahaa, waxayna na kulansiisay masuuliyiin sarsare, oo shirkadda xilal kala duwan ka haya.


Toos waxaan u abaarnay Xafiiska Maareynta Shaqaalaha oo ahayd meeshaan ka shaqo bilaabayay. Markay i gaysay xafiiskayga ayay Margeret ii sheegtay in aan fasaxa koowaad qaaddanayo 9 subaxnimo, ka ku xigana aan qaaddanayo 13:30 duhurnimo, waxa ayna ii raacisay in 13:00 duhurnimo ka hor ay soo galayso xilliga salaada oo ay ku dartay erayga ah "I Think your mid-day prayers will be just before your second break, so don' bother to wait and just head straight to the Mosque and do your prayers" waxan filayaa in xilliga salaada barqada ay soo galayso ka hor fasaxaaga labaad, marka ha sugin xilliga ha sugin fasaxee, soo tuko!! 


Margeret, waa haweenay gaalo ah oo aan ka filayn in ay sallaad igu baraarujisee, waxa aan ku iri " fadlan, hadalka iigu soo celi" waxa ay si xishmo leh ii tiri " haddii aanan qaldaneyn, codsigaagii shaqadda waxa aad ku caddaysay in aad haysato diinta islaamka" waxa aan ku idhi " waad saxantahay, oo Muslim waan ahay codsiga shaqaddana waan ku caddeeyay, maadaama la i waydiiyay su'aasha ah "Waa maxay diintaad aaminsan tahay? "


Margeret waxay igu tidhi" Mr Akram oo booskaaga ka shaqayn jiray Muslim buu ahaa, waana sababta aan ku bartay waqtiyada sallaadda" Waxay aad ugu celcelinaysay, wuxu ahaa qof furfuran oo waan wada sheekaysan jirnay, laakiin xilliga sallaadu markay timaado wuu u carari jiray Masjidka "He was a social person in a way we have a laugh but when the prayers is about he was adament" None could stop him praying on time. Waxa ay Margeret i gaysay mawlac dhawr qof qaadda oo goobta shaqada ku yaal iyo suuli albaabkiisa ay ku qoran tahay, suuliga muslimiinta, oo caag biyo lagu shubtaa dhex yaalo, Waxa ay markasta ammaaneysay , Akram, oo ay tidhi qof wanaagsan oo sallaadda u arka badbaadadiisa buu ahaa " He was a wonderful man, his prayers was his salvation". 


Suuligii marka aan isticmaalay, waxa aan ku arkay derbiga uu caagga istijadu yaalay oo ay ku qoran tahay , "Please don't remove the Jug it's for my Prayers" "Fadlan caagga meesha ha ka qaaddin, waxan u isticmaalaa Salaadayda, Ikram".


Dhammaan adeegyadda aan isticmaalayay anigoo aqoon u lahayn meeshay ka timid waxa dhisay, Akram. Waxa ay ii sheegeen in uu Akram u dhintay xanuunka, kansarka. Lix bilood oo aan shirkadda u shaqeynayay waxa aan ku jiray nimcadaa Akram aan ka dhaxlay. Ammaanta Akram may ahayn mid afkoodu ka daali jiray, jacaylkay u qabeenna wuxu aniga ii ahaa nuur iyo naxariis. Mar walba oo xilliga sallaadu yimaadana kicida aan kursiga ka kacayo waxa ii dheereyd caawiyaad aan ka helayay shaqaalaha barbarkayga fadhiyay si aan u soo tukado, Soo tuko Mr Awed waa xilligii sallaada, anigaa daboolaya booska aad ka maqan tahay ee soo dhamayso. "Mr Awed go ahead i will cover you it''s almost your time of prayers"


Akram waxa uu quluubta shaqaalaha shirkadda ku furtay, akhlaaq iyo habdhaqankii islaamku ina farayay, wuxuuna jidka u sii xaadhay qof kasta oo muslim ah oo geeridiisa kadib, shirkaddan shaqo ka hela. Aniga oo naftayda iyo Akramba ka masuul ah waxa aan ku daddaalay in aan habdhaqan wanaagsan shirkada kula joogo, si jacaylkii Muslimiinta iyo Islaamka loo hayay koror mooyee aanan hoos u dhac ugu iman. Iyadoy jireen xilliyo adag oo shirkadda aan kala kulmay waan dulqaatay, waxana geed dheer iyo mid dhowba u koray inaan Akram jidkuu jeexay carqalad galin, akhlaaqdi, wanaagii iyo dulqaadkiina la iga helo.


Shirkaddii shaqadeedii waan ka tagay, iyadda oo la i jecel yahay aniguna aan jeclahay shirkadda iyo shaqaalaheediiba. Naxariis iyo wanaag badan bay ii muujiyeen, waxay garab istaageen iimaankayga xilli ay igu khasbi karayeen inaanan sallaad tukinin oo shaqadayda guto, waxaan wax badan uga baryay Sallaad alba oo aan mawlaca ku tukado in uu Eebbe soo hanuuniyo,. sababtoo ah aniga oo Muslim ah bay ka qayb qaateen in shaqadayda markaan ku jiro aan ku hanuuno jidkii Rabbi ii jeexay.


Qof walba maalin buu ka tagayaa Aduunkan. Akram Eebbe ha u naxariisto. Waxa aan ka faa'iiday shaqadaydii iyo xidhiidhkii aan la lahaa shaqaalihii ila noolaa iyo Akram oo iiga tagay wadiiqo aan raaco in dadka qalbiyadoodda wanaag lagu furto ay ka saamayn badan tahay kuwa lagu furto xoog iyo maquunin.


Ugu dambayntii walaalahay waxaan Qisadan ula qaybsaday in Islaamku yahay Raxmad, Nabiga la inoo soo dirayna Muxammed CSW lagu yidhi "Raxmad uun baan kuu soo dirnay", Colaadda iyo huruufiddu dawo ma keento ee nacaybka bay badisaa.


Qalinkii: Dr Liban Ibrahim Awed.    


Post a Comment

0 Comments